Deeq A. Posted January 13, 2021 Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Galmudug oo howl-gallo ka sameeyey Dhuusamareeb ayaa fashiliyey qarax la doonayey in laga fuliyo magaaladaasi. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa lagu aasay goob fariisin u ah ciidamada ammaanka oo ku taalla bartamaha Dhuusamareeb, iyada oo laamaha amniga ay soo saareen. Taliska Booliiska Dhuusamareeb oo ka warbixiyey howl-galladaas ayaa sheegay inay ka war-heleen qaraxa, islamarkaana ay fashiliyeen. Sidoo kale wuxuu talisku intaasi ku daray in miinadaas la doonayey in lagu waxyeelo dadka shacabka ah. Ciidamada Galmudug ayaa maalmihii u dambeeyey baaritaano dheeraad ah ka waday Dhuusamareeb iyo deegaanada ku xeeran, si looga hortago weerarada Al-Shabaab. Dhuusamareeb ayaa waxaa si wadajir ah uga howl-galada ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda oo alaaba baaritaano ka sameeya halkaasi. Share this post Link to post Share on other sites