Sign in to follow this  
Deeq A.

Shuruud Adag oo la duldhigay qof wal oo Dalka Marayakanka imanaya 

Recommended Posts

Deeq A.   

 Shuruud Adag oo la duldhigay qof wal oo marayaknka imanaya

B6B25829-D025-4B6B-8311-31185097CBCB_w10

Saraakiisha caafimaadka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay, in hadda kaddib qof walba oo raba inuu yimaado Mareykanka la weydiin doono, warqad caddeyneysa in laga soo baaray lagana waayay xanuunka COVID-19.

Xarunta Xakameynta iyo ka hortagga Cudurrada ee loo so gaabiyo CDC ayaa sheegtay, in amarkaan oo muddo laba todobaad ah ku dhaqangali doono uu qaban doono, muwaadiniinta Mareykanka iyo kuwa ajnabiga ah ee u soo safraya America.

Dalka Mareykanka, xanuunka COVID-19 ayaa waxa uu ku dhacay in ka badan 22 milyan oo qof, halka ay u dhinteen in ka badan 375 kun oo qof.

Amarka cusub ayaa imanaya xilli tiro maalmeedka dadka cudurka u dhimanaya ay shalay gaartay heerkii ugu sarreeyay tan iyo markii uu cudurka dillaacay, ayada oo ay dhinteen in ka badan 4,500 qof.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this