Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Ammaanka Puntland oo Howlgallo Ka Sameeyey Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ammaanka magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa xalay hawlgallo xooggan oo amniga lagu xaqiijinayey ka sameeyey xaafadaha kala duwan ee magaaladu ka kooban tahay.

Hawlgalka ayaa inta uu socday waxay ciidanku soo qabteen tiro dad ah, kuwaas oo la sheegay in ay gaarayaan illaa 25 qof, waxaana dadkaas lala xiriirinayaa ka mid ahaanshaha Al-Shabab iyo ururka Daacish.

Taliyaha  qeybta Booliiska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay Boosaso ayaa waxaa uu ka codsaday shacabka in ay ka qeyb qaataan amniga magaalada iyo midka gobolka.

Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa waqtiyadii ugu dambeeyey waxaa ay ciidanku ka wadeen hawlgallo isdabajoog ah, maaddaama magaalada ay k amid tahay goobaha lagu qabanayo doorashada heer federaal.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this