Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo cafisay dhalinyaradii lagu hubeeyey magaalada Mandera

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, Maxamed Tahliil Biixi oo haatan ku sugan magaalada Beledxaawo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay cafis u fidisay dhalinyarada ay hubeysay Kenya ee haatan ku sugan dhinaca magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Maxamed Tahliil Biixi ayaa ugu baaqay dhalinyaradaasi inay dib ugu soo noqdaan magaalada Beledxaawo, isaga oo u ballan qaaday in dowladdu ay ka war heyn doonto.

“Annaga diyaar uma nihin in dagaal aan galno, ma dooneyso in dhalinyarada Soomaaliyeed uu cadawgu iska hor keeno, Waalidiin ayaad tihiin ee lasoo baxa dhalinyaradiina waana cafis cid qabsaneyso ma jirto, xitaa haddii ay doonayaan kamid noqoshada ciidanka Dowladda in aan ku biiriyo oo aan tababarno,” ayuu  yiri taliyuhu.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray inay qof walba waajib ku tahay difaacida madax banaanida dalka iyo jiritaaka qaranimada Soomaaliyeed.

“Madax bannaanida dhuleed kuma xirna Dowlad ama shaqsiyaad balse waa dan guud oo waajib ku ah, maadaama la badali karo Dowladda, lama badali karo Calanka, Dhulka & Nidaamka, sidaas awgeed waa muhiim in la ilaaliyo dalka oo la difaaco,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Soomaaliya ay horey ugu eedeysay Kenya inay jabhado ku hubeyneyso dhanka magaalada Mandera, si ay u soo weeraraan Beledxaawo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this