Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil Oo Hubkeeda Difaaca Gantaallada Heegan Gelisay Iyo Weeraro Laga Cabsi Qabo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tel Aviva)-Israa’iil ayaa habkeeda difaaca gantaallada gaysay koonfurta dalkaas, taasi oo lagu macneeyey taxaddar iyo isu-diyaarinta weerar ay ka cabsi qabto in lagu soo qaado.

Qeybo ka mid ah habka difaaca Patriot ee dhexda ka qabta gantaalalda ballistic, iyo habka Iron Dome ee ka hortaga gantaallada riddada gaaban ayaa lagu arkayey waddooyinka magaalo xeebeedka ku taalla badda cas ee Eilat.

Sida ay sheegeen warbaahinta Israel, difaacyadan ayaa halkaas la geeyey kahor sannad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay dilkii Jeneral Qassem Soliemani, taliyihii giuutada Quds ee ciidamada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, kaasi oo sanad ka hor ay Mareykanka ku dileen magaalada Baghdad.

Sannad-guurada dilka Soleimani oo ku beegneyd 2-da Janaayo ayaa laga soo gudbay hase yeeshee difaacyadan ayaa weli halkooda yaalla.

Warbaahinta qaar ee Israa’iil ayaa ku warramay inay jirto cabsi kale oo la xiriirta xiisadda kacsan ee gobolka, kahor inta aan xilka madaxweynaha Mareykanka loo dhaarin Joe Biden, 20-ka January 2021. Israa’iil ayaa habkeeda difaaca gantaallada gaysay koonfurta dalkaas, taasi oo lagu macneeyey taxaddar iyo isu-diyaarinta weerar ay ka cabsi qabto in lagu soo qaado.

Qeybo ka mid ah habka difaaca Patriot ee dhexda ka qabta gantaalalda ballistic, iyo habka Iron Dome ee ka hortaga gantaallada riddada gaaban ayaa lagu arkayey waddooyinka magaalo xeebeedka ku taalla badda cas ee Eilat.

Sida ay sheegeen warbaahinta Israel, difaacyadan ayaa halkaas la geeyey kahor sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay dilkii Jeneral Qassem Soliemani, taliyihii giuutada Quds ee ciidamada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, kaasi oo sanad kahor ay Mareykanka ku dileen magaalada Baghdad.

Sannad-guurada dilka Soleimani oo ku beegneyd 2-da January ayaa laga soo gudbay hase yeeshee difaacyadan ayaa weli halkooda yaalla.

Warbaahinta qaar ee Israel ayaa ku warramay inay jirto cabsi kale oo la xiriirta xiisadda kacsan ee gobolka, kahor inta aan xilka madaxweynaha Mareykanka loo dhaarin Joe Biden, 20-ka January 2021.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this