Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo is hortaag ku sameysay guddoomiyaha Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan kuwa dalka Jabuuuti ayaa lagu soo warramayaa inay saaka is hortaag ku sameeyeen guddoomiyaha maamulka degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, Mudane Cismaan Dhicisow Dhuubow.

Guddoomiyaha ayaa doonayey inuu gudaha u galo garoonka Ugaas Khaliif, balse ciidamada AMISOM ayaa u diiday inuu galo garoonka, si u soo dhoweeyo wafdi xildhibaano ah.

Wararka ayaa sheegaya in guddoomiye Dhicisow uu dib uga soo laabtay garoonka, kadib amarka ka soo baxay saraakiisha Jabuuti ee gacanta ku heysa garoonka Beledweyne.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu la hadlo warbaahinta, si uu uga warbixiyo falka is hortaagga ah ee ay ku sameeyeen ciidamada AMISOM.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku sii daray in xiisad ka dhalatay arrintaasi haatan laga dareemayo magaaladaasi Beledweyne.

Dhowr jeer oo hore ciidamada Jabuuti ayaa mas’iuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan u diiday garoonka diyaaradaha Beledweyne, hayeeshee si hoose loo xaliyey.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this