Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo U Magacaabay Shaqaale Ka Tirsanaa Madaxtooyadda Xil Sare Oo Komishanka Doorashooyinka Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa isku shaandhayn uu shalay sameeyay waxa uu agaasimaha agaasimaha komishanka doorashooyinka Somaliland ugu magacaabay Jamaal Cashuur oo ahaa xoghayaha golihiisa wasiirrada.

Dadka siyaasadda ka faallooda ee wax ka qora baraha bulshada ayaa dhalleeceeyay magacaabista Jamaal Cashuur oo ahaa xoghayaha golaha wasiirrada ee xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.


Dadka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in haddii uu madaxweyne xilka ka qaadaya agaasimaha komishanka doorashooyinka Somaliland ay haboonayd in uu u magacaabo qof kale oo dibadda ka yimid amma aan ka tirsanayn xukuumadda.

Agaasimaha komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa ah mishiinka kala wada shaqada komishanka doorashooyinka.

Cabdiraxmaan Siciid Yusuf agaasimihii hore ee komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa xilka macasalaameeyay mudo ku siman 19 sanno oo uu ahaa agaasimaha komishanka doorashooyinka Somaliland , kadib markii maanta madaxweyne Biiixi ka qaaday xilka.


2002 ayuu qabtay xilkan xiligaas oo uu Somaliland ka talinayay madaxweyne marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal , kadib aas aaskii komishanka doorashooyinka Somaliland ee wakhtigaasi isagoo xiligaa la kowsaday komishankii doorashada ee uu hogaaminayay Axmed Xaaji Cali Cadami oo guddoomiye ahaa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this