Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaaraha XF oo la kulmay Guddiga Jaamacadaha dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay xubno ka socday Guddiga Jaamacadaha dalka ayaa kala hadlay horumarinta iy tayeyta hannaanka tacliinta saree e dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la wadaagay Madaxda Jaamacadaha ee uu la kulmay sida ay uga go’an tahay tayeynta iyo horumarinta waxbarashada oo aasaas u ah dib u dhiska dalka iyo sidii mustaqbalka dhow aan u noqon lahayn dal horumarsan.

Dhankooda xubnaha guddiga Jaamacadaha gaarka loo leeyahay ee dalka ayaa uga warbixiyey Ra’iisul Wasaaraha xaaladda waxbarashada Sare ee dalka, caqabadaha ku xeeran iyo fursadaha uu haysto dalkeennu si loo sii tayeeyo Waxbarashada dalka.

Kulankan oo uu ka qeyb galay Wasiirka Waxbarashada Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Eng.Carab) ayaa la iskula qaatay dhammaan qodobbadii ku saabsanaa tayeynta Waxbarashada iyo horumarinteeda.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

137620007_2892903484274100_6846470756794600362_o 137219159_2892903474274101_8625730793429124419_o 137256068_2892903407607441_89344382518269472_o 137554682_2892903334274115_117240998268683262_o

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this