Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka digey in doorasho hal dhinac ah ay ka dhacdo dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wefdigiisa ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Kismaayo ee Caasimada ku meel gaarka ah ee Jubbaland.

Madaxweynaha iyo wafidgiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Maxamed Sayyid Cabdille Xasan ku soo dhaweeyey labada Madaxweyne kuxigeen,Golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Soo dhaweynta kadib Madaxweyanaha ayaa warbaahinta kula

Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxda qaranku ay iska indho tirayaan xaqiiqada dhabta ah ee dalka kajirta doorashana aysan ku dhici karin ayada oo ay jirto kala qeybsanaan siyaasadeed wax heshiis lagu yahayna aan la isla meel dhigin.

Sidookale Madaxweynaha ayaa sheegay si xal looga gaaro muranka Doorashada in ay asaga iyo madaxdii kale ee Garowe ku shirtey ay Ergo u soo direen Xamar si jawaab looga keeno Madaxda DFS xal waarana looga gaaro Khilaafka Doorashada. Madaxweyanaha ayaa sheegay in ayada oo aan wax jawaab ah lagu soo celinin shir Jaraa’id lagu qabtey Xamar taasna aysan marnaba xal keeni karin.

Madaxweyanaha ayaa kula taliyey Madaxda DFS in wadahal iyo wada ogol khilaafka lagu xaliyo ee aan la gaarsiinin meel aan hadhow laga soo celin karin.

Jubbaland waxay diyaar u tahay doorashada dalku inay waqtigeeda ku dhacdo loona maro nidaam heshiis lagu yahay gobolka ka maqana maamulkiisa iyo goobihiisa doorashada loo madax baneeyo Jubbaland taas oo ah xalka ugu haboon ee xaaladan lagaga gudbi karo” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Halkaan ka daawo Hadalkiisa

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka digey in doorasho hal dhinac ah ay ka dhacdo dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this