Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar Askari oo ka tirsanaa ciidamada Kenya oo qarax lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Mailatariga Kenya ayaa faahin faahin dheeraad ka bixiyey qarax ciidamadooda ka tirsan howl-galka AMISOM saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay xadka Soomaaliya.

Warka ka soo baxay milatariga Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi qaraxa ah looga dilay ugu yaraan illaa afar askari, sideed kalena ay ku dhaawacmeen.

“Weli waan aruurineynaa macluumaadka, illaa iyo hadda, waxaan helnay warbixin xaqiijineysa dhimashada afar askari oo ka tirsan ciidanka difaaca Kenya ee lagu dilay weerarka. dhaawacyadu waxay gaari karaan sideed askari,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in askarta qaba dhaawacyada halista ah loo qaaday magaalada Nairobi, si loogu soo dabiibo xaaladooda caafimaad.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro jidgal ah ka fuliso deegaanada ku yaalla xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, halkaas oo ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo xoogan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this