Sign in to follow this  
Deeq A.

XF oo ka warbixisay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiiir ku xigeeenka Gaashaandhiga XFS Cabdifitaax Qaasim ayaa sheegay in wasaaraddu ay wado howl-gallo dagaalyahanada Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay weli kaga sugan yihiin dalka, isaga oo xusay in howl-galku uu socon doono ilaa inta laga adkaanayo.

Qaasim ayaa sido kale sheegay in howl-galladaani ay u kala qeybsami doonaan dagaallo toos ah, duqeymo dhanka cirka ah iyo mid miino baaris ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in howl-galadii ugu dambeeyay lagu lagu burburiyay idaacaddii ku hadli jirtay afka Al-Shabaab ee Andulus, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambayn wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay bartilmaameedsan doonaan fariisin walba oo ay leeyihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this