Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir looga hadlayo xal u helida diidmada shillin Soomaaliga oo ka socda Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1610274002907.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadda shir-guddoominaya shir gaar ah oo looga hadlayo xal u helida cabashooyinka la xiriira shillin Soomaaliga.

Kulanka oo uu Madaxweynaha ku weheliyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa ka qeybgalay Madaxweynihii hore Senator Cabdiraxmaan Faroole, Masuuliyiinta Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Ganacsiga iyo Qorsheynta, Bangiga Dowladda, Wasiiradii hore ee Maaliyadda Faarax Cali Shire iyo Cabdullaahi Shiikh.

Sidoo kale waxaa kulanka waxaa ka qeybgalay Khuburo ku xeeldheer arrimaha dhaqaalaha, La taliyeyaal Madaxweyne, Saraakiil Madaxtooyo, Taliska Ciidamada Booliska, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo qaar ka mid ah madaxda Jaamacadaha Puntland.

Kulanka ayaa diirada lagu saarayaa sidii xal loogu heli lahaa qiimadhaca iyo diidmada shilinka Soomaaliga ee ka taagan deegaanada Puntland.

Warar ay heshay Puntland Post ayaa sheegaya in dowladdu ay dib u eegis ku sameyn doonto go’aamadii ay horey u soo saartay ee la xiriiray lacagaha danabaysan.

FB_IMG_1610273989919.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1610273996644.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1610274040970.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1610274016021.jpg?resize=720%2C62 FB_IMG_16102757140764601.jpg?resize=720% FB_IMG_16102757404439566.jpg?resize=720% FB_IMG_16102757281085249.jpg?resize=720% FB_IMG_16102757231180231.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Shir looga hadlayo xal u helida diidmada shillin Soomaaliga oo ka socda Garowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this