Sign in to follow this  
Deeq A.

War-weyn:Ciidanka Itoobiya oo hawlgal ku soo qabtay Aasaasihii Jabhadda TPLF,Ahna Ninka 2aad ee uga awooda Badan Tigrayga+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Itoobiya oo hawlgal ku soo qabtay Aasaasihii Jabhadda TPLF,Ahana Ninka 2aad ee uga awooda Badan Tigrayga+Sawirro

tplf3.jpg

 

Sagaal xubnood oo ka tirsan Jabhadda TPLF  oo Jimcihii lagu qabtay gobolka Tigray ayaa laga dejiyey magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ayaa raggan ka qabtay meel ay gabaad ka dhiganayeen oo u dhow degaanka Kola Tembein oo dhaca waqooyiga Tigray

tplf.jpg

Taliyaha howlgalada ciidamada Itoobiya Jen. Tesfaye Ayalew ayaa sheegay in raggan uu ka mid yahay Sebhat Nega oo ahaa aasaasihii TPLF, kaasoo sidoo kale ganacsi balaayiin dollar ku fadhiya ka sameeyey Itoobiya mudadii ay xukunka heysay TPLF.

 tplf7.jpg

Sebhat Nega ayaa sidoo kale ahaa ninka labaad ee ugu awooda badan TPLF, marka laga soo tago RW geeriyooday ee dalkaas Melles Zenawi.

tplf4.jpg

Ciidamada ayaa waxay sheegeen inay sidoo kale dileen ilaa 4 kale intii lagu jirey howlgalkii dadkan lagu soo qabanayey.

Kooxda TPLF oo laf dhuun gashay ku noqotay Dowlada uu hogaamiyo RW Abiy ahmed ayaa weerar lagu qaaday markii ay ka hor yimaadeen xukuumada dhexe, waxaana ciidamada Itoobiya ay gebi ahaan qabsadeen gobolka Tigray, iyadoo hogaamiyeyaashii maamulka TPLF ay noqdeen wax la dilay, wax la qabtay iyo qaar baxsad ku jira.

b2-3-1.jpgb4-3.jpgb5-2.jpgb7-1.jpgb8-1.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this