Sign in to follow this  
Deeq A.

FBI-da Mareykanka oo bilowday xidhida Dadkii xoogga ku galay xarunta Congress-ka ee Bililiqaystay Agabkii Xafiisyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Adam-Johnson-arrested.jpg

Booliska dalkaasi Mareykanka ayaa xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah raggii hormuudka u ahaa kooxdii taageersaneyd Donald Trump kuwaas oo maalmo ka hor xoog ku galay xarunta kongareeska Mareykanka islamarkaana bililiqo iyo bur-burin ka geystay.

Raggan oo warbaahinta kasoo muuqday iyagoo gudaha ugu jira xarunta. qaar ay sitaan agab, qaarka kalena ay lugaha is-dul saarteen miiska xafiisyada madaxda kongareeska sida guddoomiyaha Nancy Pelosi.

Ninka ugu dambeeya ee ay boolisku soo xiraan ayaa ah Adam Christian Johnson (36) oo la arkayay isaga oo sita miiskii khudbadda ee guddoomiye Nancy.

Adam Christian Johnson ayaa kasoo jeeda gobolka Florida, waxaa uu ku jiray liiska FBI-da ay u baadi-goobeyso dhacdadii xarunta Kongareeska Mareykanka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this