Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne hore Xasan Sheikh oo digniintii u dambeysay u diray Madaxweyne Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo Dhir jaraa’id uga hadlay Go’aankii uu Madaxweyne Farmaajo ka qaatay Doorashada ayuu sheegay in Madaxweynuhu uu kusoo laabto wadada Daxda ah.

Wuxuu yiri “ Madaxweynuhu inuu diido inuu Dadka la hadlo, inuu Maamulada qaar la hadlo oo uu sidii rooxaantii Dad kasoo dhex hadlo, taasi Madaxweynaha Xal uma keenaysa”.

Wuxuu kaloo Xasan Sheikh Yiri “ Go’aanka halka dhinac ah Midnimada Dalka ayuu khatar ku yahay, Ciidamadaan lagusoo daabilayo Gobolada waan ognahay ujeedkooda oo Doorashada la rabaa in lagu boobo”.

Madaxweyne Xasan Sheikh isagoo la hadlaya Madaxda Sadexda Maamul Goboleed ee raacsan Madaxweynaha wuxuu yiri “Madaxda Maamulada ee Raysal wasaaraha la taagnaa maanta Ra’yiga ay waysan kuma ay matalaan Dadkay dhalay doortay mana aha ra’yi Dadkaas qabta”.

Madaxweyne Xasan wuxuu Madaxweynayaasha Hirshabeele, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ku tilmaamay Niman Madaxweyne Farmaajo ka dhex hadlayo.

Puntlandi.com Muqdisho

The post Madaxweyne hore Xasan Sheikh oo digniintii u dambeysay u diray Madaxweyne Farmaajo appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this