Sign in to follow this  
Deeq A.

Riwaan Xirsi oo beeniyay hadal ka soo yeeray Qoorqoor

Recommended Posts

Deeq A.   
20210109_194225.jpg?resize=720%2C301&ssl

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha Galmudug ee ahaa in ay fashilantay waanwaantii uu waday oo la xiriirtay khilaafka ka taagan doorashada dalka.

Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Ridwaan Xirsi Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay Garowe ayaa madaxweynaha Galmudug ku eedeeyay in uu ka been sheegay dhexdhexaadintii uu doonayay inuu ku xaliyo khilaafka iyo caqabadah ku gadaaman qabsoomida doorashada 2021.

Ridwaan wuxuu beeniyey in madaxweyne Qoorqoor uu jawaab ku soo celiyey madaxda mucaardka iyo dowlad goboleedyada Puntland iyo jubbaland.

“Waxaan la yaabnay in uu yiraahdo jawaab ayaan ka weynay, muddo saddex cisho ah inuu tashi nagula soo laabto ayay ahayd, jawaab sax ah oo nooga timid Qoorqoor ma jirto” ayuu yiri Ridwaan.

Ugu dambeyn Ridwaan ayaa xusay in Midowga Musharaxiinta ay shirweyne isugu iman doonaan, si ayuu yiri ay Soomaaliya uga dhacdo doorasho.

PUNTLAND POST

The post Riwaan Xirsi oo beeniyay hadal ka soo yeeray Qoorqoor appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this