Sign in to follow this  
Deeq A.

Uganda oo Cutubyo ka mida Ciidanka ka jooga Somalia la baxaysa+Xaalad cusub oo soo wajahday 

Recommended Posts

Deeq A.   

Uganda oo Cutubyo ka mida Ciidanka ka jooga Somalia la baxaysa+Xaalad cusub oo soo wajahday

 uganda.jpg

 Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa si toos ah u sheegay inuu Soomaaliya kasoo bixinayo qaar ka tirsan ciidamada dalkaas ee ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Musaveni ayaa sheegay inay soo wajahday xaalad adag oo u baahan in laga gudbo inta lagu guda jiro howlaha sugidda amniga Doorashooyinka ka dhacaya gudaha dalkaas 14 January, sidaas darteedna ay lagama maarmaan noqotay inay soo bixiyaan qaar ka tirsan ciidamadooda ee ku sugan gudaha Soomaalya.

Wuxuu sheegay in duruufo amni ay ku qabsatay inay qaar ka tirsan ciidamadooda kala soo baxaan Soomaaliya , isagoo xusay inay ciidamadaas si gaar ah u ilaalin doonaan doonaan Amniga Guud ee Caasimadda daka Uganda ee Kambala.

“Xubnaha Mucaaradka waxay ku hanjabeen inay gubayaan kaalimaha shidaalka ee Kampala. Waxaan rabaa inaan idiin xaqiijiyo inaysan jirin cid gubaysa Kampala, ”ayuu yiri Museveni.

 uganda-1.jpg

Cabsida la xiriira dhinaca amniga ee dalka Uganda ayaa timid wixii ka dambeeyay markii uu dhacay dhawaan iska horimaadyo maalmo socday oo u dhaxeeyay taageerayaasha mucaaradka, kadib markii Boolisku xireen Musharax Madaxweyne ahna Muusikiistaha Caanka ah ee lagu Magacaabo Robert Kyagulanyi.

Dowladda Uganda ayaa ah dowladda ugu badan ay Soomaaliya ka joogaan Ciidamada ku howlgalla Magaca AMISOM, iyaga oo Ciidamada dowladda ka taageeraya dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Madaxda ugu sareyso ee midowga Africa kama aysan hadlin go’aanka ay Uganda Soomaaliya uga saareyso qaar ka tirsan ciidamadeeda, sidoo kalana Dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin.

Gudaha Soomaaliya waxaa ku sugan ciidamo kor u dhaafaya illaa 17 kun oo askari oo qeyb ka ah Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, waxayna ciidamadaas ka kala yimaadeen Uganda, Burundi, Djibouti, Kenya iyo Ethiopia.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this