Deeq A. Posted January 7, 2021 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo culus oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaallada ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay weeraro qorsheysan ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Buundada weyn, Mukayga iyo Haanta Dheer oo ka tirsan degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarada kadib labada dhinac ay dhex-mareen iska hor imaadyo toos ah oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Lama oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalladaasi, waxaana saaka xaaladdu ay tahay mid degan. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro culus ku qaada degmada Afgooye oo qiyaastii 30 KM u jirta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites