Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa Ka Danbeeyay Weerarki Xagga Internetka Ee Lagu Qaaday Mareykanka?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Mareykanka ayaa salaasadii sheegtay, inay u badan tahay in Ruushka uu ka danbeeyay, weeraro dhanka internetka ah oo lagu jabsaday kambiyuutarrada wasaarado ka tirsan Dowladda Federaalka Mareykanka.

Weeraradaasi ayaa laga warhelay bishii lasoo dhaafay. Meelaha lala beegsaday ayaa waxaa ka mid ah Wasaaradaha Ganacsiga, Maaliyadda iyo Tamarta iyo sidoo kale shirkado gaar loo leeyahay.

Warkaan kasoo baxay Sirdoonka Mareykanka lagu sheegay in wali ay wadaan baadhitaanno lagu xaqiijinayo suurtagalnimanada hey’ado kale oo ay budhcaddani weerareen.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in hadafka weerarka uu u muuqdo mid lagu raadinayay xoggo dhanka mukhaabaraadka ah, balse ayna muuqan mid kharbudaad ah lagu rabay.

Madaxweyne Trump ayaa weerarkaasi horay ugu eedeeyay dowladda Shiinaha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this