Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin sanadeedka Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland Ee 2020.

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbixin sanadeedka Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland Ee 2020.
Maanta oo bishu tahay 31 December 2020, Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay soo saartay war bixin sanadeedkeedii Xuquuqal Insaan ee sanadka 2020.

Warbixinta Xarunta Xuquuqal Insaanka madaxa banaan ee 2020, waxa ku xusan arimo dhowra oo dhamaantood laxidhiidha tacadiyo xuquuqal iinsaan oo dalka ka dhacay sanandkan.
Waxa jira xaalado aan isbadal lahayn oo la xidhiidha arimaha Xuquuqal Insaanka, lagasoo bilaabo 2013 Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay diiwaan galinaysay tacadiyo Xuquuqal iinsaan oo dalka gudihiisa ka dhacayey ilaa mudadaasna manajiro wax is badal ah oo muuqda.

Cabudhinta rayiga xorta, xadhiga warbaahinta madaxa banaan, ishortaaga mudaharaadyada sharciga ah iyo xadhigyo aan loo meeldayin oo in badan ay bulshadu la kulanto ayaa waxay noqdeen wax caado ka ah Somaliland gudeheeda.
Waxay xaruntu sanadkan diiwaan galisay 60 qof oo dhamaantood sifo sharci daro ah loo xidhay.
Dadkaasi waxay isugu jiraan 14 suxufi iyo 46 qof oo kale oo aan suxufiyiin ahayn.
Waxa xukun kudhacay hal suxufi oo ah Cabdirahmaan Cali Xidig. Sidoo kale waxa sanadkan laxayiray laba warbaahinood, iyadoo ay muuqdeen ganaaxyo aan sharci ahayn oo lasaaray labadaa warbaahinood ee laxayiray.

Dadka kale ee aan Suxufiyiinta ahayn ee laxidhay waxa ka mid ahaa Maxamed Abiib Yuusuf, Cabdiraxmaan Maxamed Daahir, Cabdiwahaab Cismaan Cumar iyo Cabdirisaaq Maxamed Ibraahin,
dhamaantoodna waxa lagu wada xidhay qoraalo ay baraha bulshada ku qoreen. Mudo ka bacdina waa lasii wada daayay.
Arintaasina waxay runtii ka hor imanaysa mabaadiida uu ku dhisan yahay Dastuurka Jamuuriyada Somaliland.

Waxa sidoo kale warbixinta ku xusan xadhigyada sharci darada ah ee had iyo goor bulshadu la kulanto iyo sixitaan la aan ta garsoorka.
Tusaale ahaan, waxa Xaruntu diiwaan galisay Hooyo 50 jir ah, oo mudo 60 cisho ah u xidhnayd sabab ah danbi inankeeda lagu tuhmay inuu galay. Xadhig yadaa waxa had iyo goor fuliya booliska waxana meesha ka maqan sixidii garsoorku ku samayn lahaa , gef ka sharci ee boolisku ku kaco.

Sidoo kale Xaruntu waxay diiwan gelisay laba qof oo boolisku ku dhawacay dhul in muddo ah ay degenaayeen oo ku yaala galbeedka magaalada Hargeysa. Dhul kaas oo ay sheeganayaan qoyska Madex waynuhu.
Majiro cid falkaa loo maxkamadeeyay ama wax magdhow ah oo arinkaa laga bixiyay. Arinkaasina waxa uu runtii si weyn ukhilaaf santahay Dastuurka Jamuuriyada Somaliland.
Warbixinta waxa kale oo ku jira tacadiyada xaga jinsiga ee ka dhanka ah haweenka.
Waxa mudooyinkan danbe soo badanayey tacadiyo laxidhiidha kufsi oo ay haween badani waajahayeen, iyadoo weliba dhawaanahan ay soo koradhay arin cusub oo werwerkeeda lihi taasoo ah haween lagula kacay kufsi iyo dil wada socda.
Mana jiro xeer u gaara oo arinkaas lagu xakameeyaa ama lagula tacaalaa.

Talo soo jeedin.

Ugu danbeyn Xaruntu waxay Dowladda Somaliland usoo jeedinaysaa arimahan hoos ku xusan.
• In la joojiyo xadhiga lakula kacayo warbaahinta madaxa banaan.

• In la joojiyo xadhiga alaaba lagula kaco dadka dowlada dhaliila

• In dadka loo ogolaado inay mudaharaadyo isugu imaadaan iyadoo laxaqdhowrayo xuquuqdooda dastuuriga ah.

• In booliska dib u habayn balaadhan lagu sameeyo, lana joojiyo sifoyinka siyaasadaysan ee booliska marar badan loo adeegsado.

• Sidoo kale dowladu waa inay joojiyo dadka danyarta ah ee ay sifaha sharciga khilaadsan dhulalka uga kicinayso.

• Ugu danbayna waa in lajoojiyo meeshana laga saaro xeerka sinada iyo kufsiga lana soo celiyo xeer kii hore xeer lr 2018.

Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud
Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka.

.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this