Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey dagaal culus oo ka dhacay gobolka Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal saacado badan qaatay ayaa saaka waabarigii ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwa dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab waxa uu ku dhex-maray duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyo ciidan oo ku yaalla halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo ahaa mid culus la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho & dhaawac.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay dagaalkaasi ku dishay ugu yaraan afar askari oo uu ku jiro sarkaal ay magaciisa ku soo koobtay Garuun, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhinaca kale Cali Axmed Cali oo ah taliyaha saldhigga uu weerarka ka dhacay ayaa beeniyey inay Al-Shabaab ka dileen 4 askari, balse wuxuu xaqiijiyey inuu jiro sarkaal ka tirsanaa ciidamadooda oo la dilay kaasi oo ay dilkiisa sheegatay Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey inay iska caabiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab weerarka ku soo qaaday saldhigooda.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana goobihii lagu diriray gacanta ku haya ciidamada Xoogga dalka iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this