Deeq A. Posted December 30, 2020 (SLT-Garoowe)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga maamulka Puntland, Axmed Cabdullaahi Yuusuf (Axmed Dowlad) ayaa xalay ku geeriyooday Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid marxuum Axmed Cabdullaahi Yuusuf. Ma cadda sababta geeridiisa, ha yeeshee Sabtidii ayuu qayb ka ahaa xubno Magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle. Axmed Dowlad ayaa ka mid ahaa Maamulkii Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, labadii sanno ee ugu dambeysay. Source Share this post Link to post Share on other sites