Deeq A. Posted December 30, 2020 Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan weerar geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxa la sheegay in ay rasaaseeyeen gaari ay sarnaayeen dad shacab ah xilli uu marayey inta u dhexeysa magaalooyinka Matabaan iyo Beledweyne. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku geeriyooday hal ruux, halka labo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ka mid ahaa rakaabkii saarnaa gaariga la rasaaseeyey. Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabelle waxa ay u sheegeen in dadka ku dhaawacmay weerarkaas la geeyay dhaawacyadooda degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in maleeshiyaadkii ka dambeeyey falkaasi ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib. Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga waxa sababay weerarkaasi, balse waxaa lala xiriirinayaa dilal aano Qabiil salka ku haya oo ka taagan halkaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka oo ku aadan dhacdadaasi, balse ciidamada dowladda iyo kuwa HirShabelle ayaa haatan wada baaritaano dheeri ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites