Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo gacanta ku dhigtay Gantaalihii xoogaga Tigray ee TPLF

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Ciidamada Milateriga Itoobiya ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen  in ka badan 10 gantaal oo lagu qariyay bakhaar ku yaal magaalada Mekelle ee xarunta Tigray.

Taliska ayaa aaminsan in Xoogagii Tigreega ee TPLF ay Gantaalahaas meesha ku qarsadeen wakhtigii uu socday dagaalkii u dhexeeyay Itoobiya iyo Xoogagii Tigreega.

Qoraal uu soo saaray Talisku ayuu ku sheegay in nooca Gantaalaha la helay ay yihiin kuwii TPLF u adeegsan jirtay duqaynta magaalooyinka Bahrdar iyo Asmara.

PUNTLAND POST

The post Itoobiya oo gacanta ku dhigtay Gantaalihii xoogaga Tigray ee TPLF appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this