Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay Geerida Wasiir Dowlad

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Garoowe, waxa xalay ku geeriyooday Wasiirkii hore ee Amniga dowladda Puntland, Axmed Cabdullaahi Yuusuf (Dowlad).

Geerida marxuum Dowlad, waxa xaqiijiyay xubno ka tirsan Qoyskiisa iyo mas’uuliyiin kala duwan oo xilal ka haya dowladda Puntland, kuwaas oo tacsi u diray dhammaan dadka Reer Puntland ee uu ka geeriyooday, gaar ahaanna Qoyska iyo Ehelkiisa.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa isna ka tacsiyeeyay geerida wasiir Dowlad, waxaana uu tiiraanyada la wadaagay Qoyska marxuumka iyo dhammaan shacabka Puntland ee uu ka geeriyooday.

Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida Wasiirka la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku.” Ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay Geerida Wasiir Dowlad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this