Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsanaa ciidamada DF Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxo ku hubeysan bistoolado ayaa barqanimadii maanta afar askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda waxa ay ku dileen degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Shebelle u sheegay in rag hubeysan ay toogteen saddexda askari oo ka mid ahaa ciidamada nabad-sugidda, gaar ahaan kuwa dharcadda ee loo yaqaano ilaalada shacabka,xilli ay ku sugnaayeen agagaarka Buundooyinka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in mid ka mid ah ragga dilka geystay ay gacanta ku dhigeen, isaga oo dhaawac ah ciidanka amniga, halka kuwii kalena ay baxsadeen

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidanka Booliska ay howl-gal ka sameeyeen xaafado ka tirsan Xamarjajab, kuwaas oo ay ku baadi goobayeen raggaasi.

Dhinaca kale Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka askartan, kadib qoraal ay ku baahisay baraha bulshada ee Internet-ka.

Muqdisho ayaa waxaa maalmahan ka dhacayey dilal qorsheysan, waxaana inta badan sheegatay Xarakada Al-Shabaab oo dagaal kula jirta ciidamada DF & kuwa AMISOM.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this