Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada ammaanka maamulka Jubbaland oo fashiliyey qarax miino

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Jubbaland ayaa ayaa sheegay inay fashiliyeen qarax miino oo gaarigiisa loogu xiray mid ka mid ah ganacsatada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

War Qoraal ka soo baxay hay’adda nabad sugida maamulkaasi ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay xalay fiidkii hore hore la hortageen qaraxaasi, islamarkaana lagu guuleystay in laga furo gaariga, isaga oo aan geysan wax khasaare ah.

“Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugida Jubaland ayaa Fiidnimadii xalay fashilisay Miino nooca Gaadiidka lagu dhajiyo ah oo lagu xiray gaari uu lahaa mid kamid ah ganacsatada Magaalada Kismaayo. Waxaana lagu guuleystay in laga furo miinadii iyada ooo aan waxba soo gaarin gaarigii,” ayuu lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda NISA ee Jubbaland.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa magaalada Kismaayo si gaar ah loogu beegsanayey ganacsatada, iyadoo laamaha amniga ay dhankooda wadaan baaritaano.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this