Deeq A. Posted December 28, 2020 Sudan ayaa la wareegtay gacan ku haynta inta badan dhul ay ku eedeysay inay horey u qabsadeen dad Ethiopian ah, oo ku yaalla xuduudda labada dal, waxaa sidaas sheegay wasiirka warfaafinta dalkaas. Labada dal ayaa waxaa u dhaxeeya muran salka ku haya dhul beereed ku yaalla magaalada al-Fashqa, oo ku dhex taalla xuduudda caalamiga ah ee la aqoonsan yahay ee Sudan, hase yeeshee ay degan yihiin beeraley Ethiopian ah. Deegaanka ayaa waxaa dhowaanahan ka dhacayey isku dhacyo u dhaxeeya ciidamada Sudan iyo Ethiopia, ayada oo labada dhinac uu midba mid kale ku eedeynayo inuu rabshadaha billaabay. Labada dal ayaa horraantii toddobaadkan wada-hadallo ku yeeshay Khartoum. Waxa uu sheegay in ciidamada Sudan ay si difaacayeen, islamarkaana rabshadaha ay qaboobeen labadii maalmood ee tegay. Wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Ato Demeke Mekonnen ayaa ku eedeeyey militariga Sudan inay weerarada fulinayeen tan iyo 9-kii November. PUNTLAND POST The post Sudan oo dib u qabsatay dhul ay isku hayeen Ethiopia appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites