Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahdi Guuleed iyo Axmed Madoobe oo soo gaaray Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20201228_134059670.jpg?resi

Waxaa maanta Garowe soo gaaray wufuud ay kala hoggaaminayaan Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Wufuuda waxaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe ku soo dhaweeyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale waxaa saacadaha soo socda Garowe soo gaari doona wufuud kale oo ay kamid yihiin musharaxiin u tartamaya doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee 2021.

Wafuuda kala duwan ee maanta yimid Puntland iyo kuwo maalmihii la soo dhaafay soo gaaray ayaa ka qeybgeli doona Madasha doodaha machadka Heritage oo markii ugu horeysay lagu qabanayo gudaha dalka, gaar ahaa Garowe.

Madasha Heritage waxaa looga doodi doonaa xasilinta dalķa, dhameystirka dastuurka, qabasho doorasho qof iyo cod ah 2025 iyo yagleelida nidaam federaal oo shaqeynaya.

FB_IMG_16091519376415304.jpg?resize=720% FB_IMG_16091519430146629.jpg?resize=720% FB_IMG_16091519543772071.jpg?resize=720% FB_IMG_16091519611264155.jpg?resize=720% FB_IMG_16091519666320403.jpg?resize=720% FB_IMG_16091519722213845.jpg?resize=720% FB_IMG_16091519481575838.jpg?resize=720% FB_IMG_16091519966647482.jpg?resize=720% FB_IMG_16091519922204240.jpg?resize=720% FB_IMG_16091520178279840.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Mahdi Guuleed iyo Axmed Madoobe oo soo gaaray Garowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this