Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkad Imaaraatig ah oo si rasmiya ula wareegtay Garoonka Diyaaradaha Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
1-47.jpg?resize=960%2C720&ssl=1

Xukuumadda Puntland iyo shirkadda TISL, oo laga leeyahay waddanka Imaaraatiga Carbeed, ayaa maanta oo Isniin ah magaalada Dubai ku kala saxiixday, heshiis shirkaddaas kula wareegayso Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Heshiiskan oo dhigaya in Shirkadda TISL ay hormarin iyo ballaarin ku samayso dhismaha Terminaalka iyo Jidka Diyaaraduhu ku ordaan ee Garoonka Boosaaso, ayaa bilaaban doona bisha Jannaayo ee sannadka 2021.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebilay, ayaa sheegay in Barnaamijkan uu dhammaystir u yahay heshiis ay horay Boosaaso ugu kala saxiixdeen Puntland iyo Shirkadda TISL, kaas oo ku saabsanaa wareejinta Garoonka.

Munaasabadda Heshiiskan lagu saxiixay, waxa Wasiir Lugatoor ku weheliyay Agaasimaha Madaxtooyada dowladda Puntland Maxamed Cabdirashiid Cali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada Puntland Cismaan Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo mas’uuliyiin ka socotay Shirkadda TISL.

1-47.jpg?resize=960%2C720&ssl=1 2-30.jpg?resize=960%2C720&ssl=1 3-17.jpg?resize=960%2C720&ssl=1 4-13.jpg?resize=960%2C720&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Shirkad Imaaraatig ah oo si rasmiya ula wareegtay Garoonka Diyaaradaha Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this