Sign in to follow this  
Deeq A.

Bankiga dowladda Puntland oo amar siiyay dhammaan Shirkadaha Isgaarsiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Bankiga dowladda Puntland Maxamed Faarax Maxamuud, ayaa lagu amray dhammaan Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay, in ay fuliyaan Amarkii Puntland ku xaddiday Lacagta danabaysan.

Qoraalkan oo ku taariikhaysan 27-ka December 2020, waxa dhammaan Shirkadaha Isgaarsiinta lagu amray, in ay xaddidaan Adeegga Lacagta danabaysan ee E-money $10 Dollar iyo wixii ka yar, si loo xakameeyo Sicir-bararka iyo qiima dhaca Lacagta Shilin Soomaaliga ah.

Sidoo kale, waxa la faray Shirkadaha, in iyadoo la fulinayo Amarkas aysan $10 Dollar iyo wixii ka yar ku diri Karin Adeegyada Online-ka ah ee lagu bixiyo Lacagta sida WAAFI iyo MY CASH, islamarkaana ay Go’aankan dhaqan-geliyaan laga bilaabo taariikhda ku xusan, taas oo ku beegan Axaddii Shalay.

Bankiga-Puntland.jpg?resize=720%2C960&ss

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise

The post Bankiga dowladda Puntland oo amar siiyay dhammaan Shirkadaha Isgaarsiinta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this