Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo digniin u dirtay dadka u cadaalad tega Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Axmed Macalin Fiqi wasiirka amniga Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa dingniin culus u dirtay dadka u cadaalad doonta Al-Shabaab ee ku sugan maamulkaasi.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ciidamada ay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid-kasta oo tegta deegaanada Al-Shabaab, kadibna ku soo laabata Galmudug.

Sidoo kale wuxuu amray dadka horey u tegay deegaanada Al-Shabaab ee ku sugan Gaalkacyo inay iska diiwaan-geliyaan xarunta hay’adda nabad sugida ee magaaladaasi.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada muddooyinkii dambe Galmudug ay xoojisay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo dhowaan weerar is-miidaamin ahaa oo lagu dilay saraakiil sar sare iyo dad shacaab ahka fulisay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this