Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Murashixiinta oo war ka soo saaray Shirkii Puntland iyo Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Midowga Murashixiinta Muqdisho, ayaa bogaadiyay dadaalka Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ku doonayaaan xallinta muranka ka taagan Arrimaha Doorashada heer Federaal, gaar ahaanna Guddiga doorashada.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Midowga Murashixiinta, ayaa lagu amaanay dadaalka labada Madaxweyne ee ku wajahan xallinta Khilaafka Guddiga Doorashada iyo hirgelinta doorasho lagu midaysanyahay.

Golaha Murashixiintu, wuxu Madaxweynayaasha kale ee Dowlad Goboleedyada dalka ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan xal u helidda Khilaafka Maamul ee ka aloosan Doorashada 2020/2021, si loo qabto doorasho Heshiis lagu wada-yahay.

Sidoo kale, Goluhu wuxu ka digay cid kasta oo isku dayda in ay carqalad ku samayso dadaalka labada Madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug ku doonayaan in la xalliyo muranka Doorashada.

1-40.jpg?resize=505%2C640&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Midowga Murashixiinta oo war ka soo saaray Shirkii Puntland iyo Galmudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this