Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga ayaa sheegay in tallaalka Shiinaha ee Sinovac COVID 91.25% uu waxtar leeyahay tijaabooyinka ay sameeyeen.

Recommended Posts

Deeq A.   

ANKARA (Puntlandi.com) CoronaVac oo ah Tallaalka COVID-19 ee ay soo saartay Shirkada Sinovac Biotech oo Shiinaysa ayaa ah 91.25% wax ku ool, marka loo eego xogta tijaabada ay sameeyeen Cilmi baarayaasha Caafimaadka Turkiga, taas oo ah natiijo aad uga wanaagsan tan laga soo sheegay tijaabo kale oo ay sameeyeen Cilmi baarayaal Reer Brazil ah, oo isla talaalkaan Shiinaha ay ku sameeyeen.

Cilmi Baarayaasha Turkiga ayaa sheegay in khamiistii maanta ahayd aan wax saameyn ah oo weyn la arkin intii lagu guda jiray tijaabadooda, marka laga reebo hal qof oo xasaasiyad ku yeeshay, Waxayna taas ku tilmaameen mid caadiya marka dawo cusub la tijasbinayo.

Tijaabooyinka Turkiga waxay bilaabeen 14-kii Sebtember waxaana ka qaybqaatay oo Talaalka lagu tijaabiyey in ka badan 7,000 oo mutadawiciin ah, sida sy cilmi-baarayaashu sheegeen, iyagoo intaa ku daray in natiijooyinka lagu dhawaaqay hada ay ku saleysnaayeen xogta laga helay 1,322 qof tijaabadii laga qaadey.

Wasiirka Caafimaadka Turkiga Fahrettin Koca ayaa yiri “ Waxaan hada hubnaa in talaalka Shiinaha ee Cudurka Corona uu waxtar leeyahay, ayna Baarlamaanka Turkiga ka sugayaan ogolaanshaha in Shacabka lagu bilaabo talaalkaan.

Turkigu waxay hada dalbadeen Shixnadii ugu horaysay Talaalka Shiinaha oo gaaraysa 50 milyan oo Irbadood.

Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa iibsadey Talaal gaara oo ay soo saareen Shirkado Reer Galbeed ah, kasoo ay sheegeen in uu waxtar leeyahay 91%.

Talaalka Shiinaha Sinovac Biotech waxaa horay loo sheegay in waxtarkiisu gaarsiisan yahay 80% laakiin Tijaabada Turkigu ku sameeyeen hada waxay sare u qaadey sumcada Talaalka ay Shiinuhu soo saareen.

Ruushka ayaa iyana soo saaray Talaalka Covid19 inkastoo uu Ruushku uusannwali beec geyn talaalkaas ilaa Dadka Ruushka laga talaalayo.

Wadamada Turkiga, Baraasiil, Qatar, Sacuudiga iyo Emaaraatku waxay dalbadeen talaalka Shiinaha.

Puntlandi.com

The post Turkiga ayaa sheegay in tallaalka Shiinaha ee Sinovac COVID 91.25% uu waxtar leeyahay tijaabooyinka ay sameeyeen. appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this