Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Najax “Rajadeenu Waa Hanashada Koobka Maamul Goboleedyada Iyo G/Banaadir”

Recommended Posts

Deeq A.   
Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed Ibraahim Aadan Najax ayaa u mahad celiyay taaageerayaasha kooxda kubbadda cagta Koonfur Galbeed kaalinta ay ka qaateen kulankii ay ka baiyeen xidigaha Koonfur Galbeed ka badiyeen kooxda Jubaland oo difaacanaysa koobka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
132010781_1101241430333892_7590014963991
Qoraalka ka soo baxay xafiiska Wasaaradda Ciyaaraha Koonfur Galbeed ayaa looga mahad celiyay taageerayaasha iyo shacabka reer Koonfur Galbeed meel kasta ay joogaan doorka ay ka qaataan dhiiri-gelinta kooxda Koonfur Galbeed oo ka mid ah naadiayda ugu adag ee ka qeyb galaya tartanka Maamul Goboleedyada.
132462404_1101733216951380_5324695255918
“Wasaarradda Dhalinyarrada iyo Cayaaraha Koonfurgalbeed waxa ay u mahadcelineysaa dhamaan taagerayaashii soo buuxiyay garoonka Eng-Yariisow ee u soo daawasha tagay ciyaarti aan la cayaarnay Jubbaland,Dhiiragelinta ciyaaryahanadda, Xamaasadda iyo garab istaagiina ayaa qeyb lixaad-leh ka qadatay Guusheenna,waxaa innoo ballan ah in aan  aan sii kordhinno taagerrida kooxdeena” ayuu bartiisa facebooka ku soo daacabay Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed Mudane Ibraahim Aadan Najax.
132175012_1101241240333911_5355712185380
Daawo Wasiir Najax Oo Ka Hadlaya Horomarka Kooxda Koonfur Galbeed

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this