Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafti kale oo heer sare ah oo ka socda dal African ah oo tegay Hargeysa + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waxa uu xafiiskiisa madaxtooyada ku qaabilay wafdi balaadhan oo ka socday dalka Koonfur Afrika, kaasi oo uu hogaaminayay Mr. Mhlekwa Nxumalo oo ah mas’uul sare oo ka tirsan xisbiga ANC ee haya talada dalkaas.

Kulankan oo ahaa mid horudhac u ah kulamo ay wada qaadan doonaan mas’uuliyiinta ka socda Koonfur Afrika iyo kuwa Somaliland ayaa waxa looga hadlay xaalada Somaliland iyo arrimaha horumarinta.

Madaxweynaha ayaa warbixin dheer ka siiyey wafdiga marxaladaha ay soo martay Somaliland iyo dadaalka ictiraaf raadinta, maadama ay ku doodo inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya.

Waxa Madaxweynaha kulankaa ku wehelinaayey wasiirrada Arrimaha dibeda, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga kulmiye, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere).

Sidoo kale waxa Mr Mhlekwa ku wehlinayay safarkan Mr Abner Mosaase, Mr. Malose Ramashala iyo Mr Allen Magumbi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay la kulmayey mas’uuliyiin Afrikan ah, isaga oo horanta toddobaadkan qaabilay Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibadda dalka Malawi, Eisenhower Mkaka oo socdaal ku tagay magaalada Hargeysa.

Eisenhower ayaa noqonaya mid kamid ah ma’suuliyiintii ugu sarreysay ee booqda Somaliland oo ku dhawaad 30-sano ka hor ku dhawaaqday iney ka go’day Soomaaliya inteeda kale, balse aan helin aqoonsi caalami ah.

Somaliland ayaa iyadu dadaal badan ku bixineysa sidii ay dalalka Afrika uga dhaadhicin laheyd qadiyada ay ku doodo ee madax-banaanida, waana arrinta u weyn ee madaxda xukuumaddu kala hadasho madaxda socdaalka ku taga Somaliland.

132303754_3521662794614215_8563637541562 132201830_3521662577947570_1094395821927 132303749_3521662734614221_5210933717717 132255086_3521662737947554_1187898846502 131968862_3521662504614244_7103333546248 131976911_3521662871280874_4849943301119

The post Wafti kale oo heer sare ah oo ka socda dal African ah oo tegay Hargeysa + Sawirro first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this