Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya Iyo Kenya Oo Heshiinaya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jabuuti)-Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa gaadhay heshiis hordhac ah, waxaana labada dal ay hore isugu khilaafsanaayeen Qodobo dhowr ah, iyadoo ay jireen eedaymo culus oo dowladda Kenya loo jeediyay, balse Shirka urur Goboleedka IGAD ee ka socda dalka Jabuuti ayaa waxaa la sheegay in labada dal la isku soo dhaweeyay.

Madaxda ku howlan dhex-dhexeedinta labada dal ayaa la sheegay inay ku qanciyeen Soomaaliya iyo Kenya in dib ay usoo Celiyaan xidhiidhkii diblomaasiyadeed, kaasi oo Dowladda Soomaaliya ay hore ugu dhawaaqday inay u jartay Kenya.

Iyadoo ayna jirin Warmurtiyeed rasmi ah oo lagu shaaciyay qadobkaasi ayaa haddana waxaa wararku ay tibaaxayaan in labada dal haatan la isku soo dhaweeyay, dibna loo soo celin doono xidhiidhka diblomaasiyadeed.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this