Sign in to follow this  
Deeq A.

Uhuru Kenyatta oo lagu cadaadinayo inuu la kulmo dhiggiisa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Diblomaasiyiinta dalalka Ingiriiska, Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa madaxweynaha dalka Kenya ku qal-qaalinaya inuu wada-hadal toos ah la yeesho dhiggiisa Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) xilli uu khilaaf ka dhexeeyo labada dal.

Madaxweynaha Kenya ayaa dhowaan magaalada Nairobi kulan gaar ah kula qaatay safiirka Mareykanka ee wadankaasi iyo taliyaha howl-galka AFRICOM.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xiriirka iskaashiga milateriga ee labada dhinac, iyadoo sidoo kale ay madaxweynaha Kenya ka dalbadeen inuu ka qayb-galo shirka urur goboleedka IGAD oo la filayo in xal looga gaaro xiisada u dhexeysa Soomaaliya & Kenya.

Uhuru Kenyatta ayaa qorsheyanayey inuu diido ka qayb-galka shirkaasi oo ka furmaya Jabuuti, si ay halkaasi si toos isugu arkaan labada madaxweyne ee Soomaaliya & Kenya.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada wadan ay go’ay 15 bishan December, kadib markii ay dowladda Soomaaliya ay dalkeeda ka ceyrisay safiirkii Kenya ee Muqdisho Lucas Tumbo.

Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeysay inay faro-gelin qaawan ku heyso siyaasadda gudaha ee dalka, iyadoo laga baqayo in arrintaasi ay kiciso muranka u dhaxeeya labada dal.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this