Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey qarax is-miidaamiin ah oo ka dhacay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee maanta qarax is-miidaamin ah uu ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.

Qaraxa oo uu fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee garoonka kubadda cagta ee Cabdullahi Ciise oo ay ka socotay munaasabad ballaaran oo lagu soo dhoweynayey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta gaaray halkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in qaraxa uu geystay waxyeelo kala duwan oo soo gaartay, saraakiil, qaar ka mid ah ilaalada ra’iisul wasaaraha iyo dad rayid ah.

Sidoo kale saraakiisha qaraxa ku dhintay waxaa ka mid ah taliyihii qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka Qooje Dagaari oo u geeriyooday dhaawac soo gaaray, taliye ku xigeenkii ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ee qaabilsanaa magaalada Gaalkacyo Marsho iyo duqii hore ee Gaalkacyo ee Puntland, Maxamuud Yaasiin Axmed Tumay.

Xaaladda ayaa weli mid kacsan, mana jiro wax faah faahin ah oo ay bixiyeen saraakiisha ammaanka ee magaalada Gaalkacyo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this