Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Amniga oo amar siiyey ciidamada xilli ay xiisad ka kacsan tahay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa mar kale ka hadlay xaalada ammaan ee magaalada Muqdisho iyo xirnaashihii jidadka ee saacadihii lasoo dhaafay, isagoo shacabka reer Muqdisho uga tacsiyadeeyey wixii dhib ahaa oo ay kala kulmeen laamaha ammaanka.

Wasiir Xundubey ayaa sheegay in cabashooyin badan ay uga yimid shacabka Soomaaliyeed ee laga xiray wadooyinka, balse waxa uu sheegay in qorshahooda uusan aheyn in dadka la dhibo.

“Ciidamada amaanka habeen iyo maalin waxay u taaganyihiin sugidda amniga, laakiin waxaa dhici karta in dad danahoodii ama sidii ay wax u rabeen ay u dhici waayeen, cabashooyin badan ayaa nasoo gaaraya, dadka qaarkood waxay gaari waayeen goobahoodii ama dad xanuunsan ayey jidadkii ka xirmeen, balse dowladdu inay dadka dhibto qorshaheeda maaha, u jeedkeenu waa in amaanka la sugo oo kaliya,” ayuu yiri wasiirka amniga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ciidamada ammaanka kala dardaarmay dadka shacabka ah, isagoo xasuusiyey in qof kasta uu ka soo qaado ehelkiisa oo kale, islamarkaana uu xasuusnaado inuu yahay qofkii uu u taagnaa qoraxda iyo qabowga.

“Ciidamada ammaanka waxaan amrayaa inay u turaan shacabka, isla markaana ay u fududeeyaan wadooyinka dadka da’da ah ama safarka ah, mar walba waa loo sheegaa taas, hadana waan ku celinayaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Isaga oo sii hadlaayey ayuu yiri, “Wax kasta oo soo gaaray bulshada Soomaaliyeed waan ka tacsiyeynayaa, waana ka raali gelinayaa, madaxda sare iyo wasaaradda amnigu waxay isku ogyihiin in ammaanka la ilaaliyo, shacabkana loo turo.”

Sidoo kale waxa uu aad ula dardaarmay dadka wax u gudbiya bulshada, sida warbaahinta madaxa-banaan iyo dadka isticmaala baraha bulshada, waxuuna ka codsaday in dadka ay la wadaagaan wixii aan wax u dhimeyn xasiloonida amniga Qaranka, isla markaana ay ka fogaadaan been abuurka iyo kicinta bulshada.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u sheegayaa, in qof kasta oo wax qoraya ama barnaamij soo gudbinaya, iyada kala sooci karta wixii saxan iyo wixii qaldan, waxaana ka codsanayaa in ammaanku yahay waxa kaliya ee aan soo dhisanay oo aan maanta heysano, oo aan mucaarad iyo muxaafid ku xineyn, oo cid timid iyo cid tegeysa aan ku xirneyn oo aan u soo rafaadnay una soo dhimanay” ayuu yiri Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey.

Hoos ka Daawo

The post Wasiirka Amniga oo amar siiyey ciidamada xilli ay xiisad ka kacsan tahay Muqdisho first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this