Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha degmada Dhahar oo beeniyay in xilka xayuubin lagu sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Puntland u qaabilsan degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan, Cabdifitaax Maxamed Salaad, ayaa beeniyay warar sheegaya in xubnaha Golaha Degaanka Dhahar ay xilka qaadis ku sameeyeen.

Guddoomiyaha ayaa sheegay, in aysan jirin shir ay yeesheen xubnaha Golaha Degaanka, islamarkaana isaga xilka uga qaadeen, balse xubno mucaaradsan oo keliya ay sheegeen in ay xilka xayuubin ku sameeyeen.

Sidoo kale, wuxu xusay in xubnaha isaga mucaaradsan qaarkood ay xiriir hoose la leeyihiin Somaliland,inkastoo uusan sheegin caddayn muujinaysa in xubnahaas ay Somaliland u shaqeeyaan.

Hadalka Guddoomiyaha ayaa ku soo beegmay, kadib markii shalay qaar kamid ah Xubnaha Golaha Degaanka Dhahar ay shaaciyeen in ay isaga xilka xayuubin ku sameeyeen.

1-27.jpg?resize=701%2C960&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha degmada Dhahar oo beeniyay in xilka xayuubin lagu sameeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this