Sign in to follow this  
Deeq A.

Wada-hadallada Kenya Iyo Somaliland Oo Galinka Danbe Ee Maanta La Soo Gabagabey-nayo Iyo Qodobo Laga Soo Saarayo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Galinka danbe ee maanta ayaa lagu waddaa in la soo gabagabeeyo wadahadallada magaalada Nairobi uga soconaya madaxda Somaliland iyo Kenya oo ay kala hoggaaminayaan  Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xaaji Faratoon ayaa sheegay in galinka danbe ee maanta qodobo laga soo saari doono shirka, isaga oo intaa ku darray in labada dhinac wax-yaabihii ay ka wada hadlleen saacadihii la soo dhaafay gabi ahaanba leysku afgartay.

Somaliland iyo Keya ayaa wadahadalladoodan xoogga ku saaraya hagaajinta xidhiidhka dhinaca ganacsiga ee ka dhaxeeya, sidoo kale waxaa wadahadallada qeyb ka ah arrimaha Amniga oo kulanka leyskula soo qaaday.

Qaar ka mid ah Aqoonyahannada Soomaalida ayaa sheegay in marka la eego hab-maamuuska lagu soo dhaweeyay wafdiga uu horkacayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee ku sugan magaalada Nairobi dowladda Kenya u muuqato inay aqoonsi dadban siineyso Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this