Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumada Abiy oo waaran u jartay saraakiil Tigray ah iyo wararkii u dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online) -Dowladda federaalka Itoobiya ayaa soo saartay waaran qabasho ah oo ay ku xireyso Toban sarkaal oo ka tirsanaa guddiga booliska caasimada dalkaas ee Addis Ababa.

Saraakiisha ayaa lagu eedeeyay inay galeen qiyaano qaran iyo xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, iyaga oo ka amar qaadanaya madaxda maamulkii TPLF, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Booliska Federaalka Itoobiya.

Waxa kale oo xubnahaasi lagu eedeeyay inay kaalin ka qaateen qorshooyin ay wadeen madaxda TPLF, oo Boolisku sheegay inay khatar amni ku ahaayeen xasiloonida Itoobiya.

Qoraalka aya sidoo kale waxa lagu sheegay in xubnahan ay ka gudbeen xayndaabka, maadama ay sheegtay inay si toos ah awaamiirta uga qaadan jireen madaxda TPLF, oo xiligan uu dagaal adag kala dhaxeeyo dowladda federaalka Itoobiya.

Waxaana lagu xusay qoraalkaas magacyada xubnahaasi, kuwaas oo kala ah:

1. Solomon Abrha Bisrat, Taliye
2. Hailemariam Berhane G / Mariam,  Taliye
3. Kibrom Gebru G / Egziabher, Ku-xigeenka Kormeeraha
4. Aregawi G / Hiwot Asfaw, Ku-xigeenka Isbatooraha
5. Geza’e G / Hiwot G / Silassie, Kaaliyaha Isbatooraha
6. Tesfa Kiros Gidey, Kaaliyaha Isbatooraha
7. Araya G / Anania Kidanu, Kaaliyaha Kormeeraha
8. Kaaliyaha Isbatoore Solomon Wolay W / Abzgi
9. Chief Sajin Hailay Woldu G / Mariam
10. Chief Sajin Haftu Kahsay

Arrinta ayaa imaneysa xili ay xukuumadda Abiy Axmed bilowday beegsiga xubnaha Tigrey-ga ee ku jira dowladda federaalka, si loo wiiqo awooda maamulka TPLF, oo xiligan ku jira dhuumaaleysi kadib markii ay dowladda kala wareegtay caasimada maamulka Tigray.

Dowladda federaalka ayaa dagaal xoogan la gashay maamulka TPLF, kaasi oo ay dhawaan ku dhawaaqday inuu soo gaba-gaboobay, wallow ay midaasi beeniyeen madaxda TPLF oo sheegay inay la dagaalami doonaan xukuumadda Abiy ilaa ay naftu ka baxeyso.

The post Xukuumada Abiy oo waaran u jartay saraakiil Tigray ah iyo wararkii u dambeeyay first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this