Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi ka socda UK oo la kulmay Farmaajo iyo cadaadis la xiriira doorashada oo billowday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Afrika ee UK James Duddridge, ayaga oo ka wada-hadlay arrimo dhowr ah.

Qoraalka kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu la wadaagay qorsheyaasha hirgalay ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen dib u dhiska Ciidamada, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa, horumarinta dhaqaalaha iyo dadaallada dib u heshiisiinta.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Balal Maxamed Cismaan oo kulanka ka qeyb galay ayaa ka warbixiyey wadahadallada miro-dhalka ah ee dhexmaray labada dhinac, iyadoo la isla qaatay adkeynta iskaashiga dhinacyada amniga, dimuquraadiyadda iyo dhaqaalaha.

“Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta siyaasaddeeda arrimaha dibadda ee ku dhisan iskaashiga. Labada dowladood waxa ay isla qaateen dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, adkeynta dimuquraadiyadda, xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo UK, kor u qaadidda taageerada dowladda Ingiriiska iyo maalgashiga.”

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Afrika ee UK James Duddridge ayaa dowladda ku bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay ee hannaanka dib u habeynta Ciidamada, Kobcinta Dhaqaalaha iyo qorshaha hirgelinta doorashada.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulanka sidoo kale looga hadlay muranka ka taagan doorashada Soomaaliya, ayada oo dowladda UK ay adkeysay sidii xal looga gaari lahaa.

Xubno ka tirsan madaxtooyada oo codsaday inaan la magacabin ayaa sheegay in wafdiga UK ay madaxweynaha ku cadaadiyeen inaan la qaban doorasho aan heshiis lagu wada aheyn, taasi oo sidoo kale uu shirkii iskaashiga Soomaaliya ee shalay uu ka sheegay safiirka UK ee Soomaaliya Ben Fender.

Kulankan ayaa billow u ah kulamo kale oo la filayo in beesha caalamka ay la yeelato dhinacyada isku haya siyaasadda dalka, si xal buuxa loo gaaro.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kadib kulan soo dhaweyn ah ugu sameeyey Xafiiskiisa wafdiga UK, waxa uuna dul istaagay dadaallada xukuumadda ee hirgelinta doorashada si ay waqtigeeda ugu qabsoomto, iyadoo la raacayo heshiiskii siyaasadeed ee ay gaareen Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.

Kulankan waxaa kala qeyb galay Madaxweynaha, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Balal Maxamed Cismaan, halka dhanka Ingiriiska uu ka qeyb galay Danjiraha UK ee Somaaliya Mudane Ben Fender Obe.

IB0A9714.jpg IB0A9750.jpg Farmaajo-1.jpg IB0A9725.jpg BG5I1325_copy.jpg BG5I1328.jpg Balal.jpg

The post Wafdi ka socda UK oo la kulmay Farmaajo iyo cadaadis la xiriira doorashada oo billowday first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this