Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka wada-hadleen MW Farmaajo & Amiirka Qatar?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa saacadihii la soo dhaafay khadka taleefanka kula hadlay Amiirka dalka Qadar Sheekh Tamiin Bin Xamad Al-Thaani.

Labada mas’uul ayaa isku soo hadal qaaday arrimo ay ka mid ah xiriirka Soomaaliya & Qatar, xaaladihii ugu dambeeyey iyo mashaariicda ay Qatar ka fuliso dalka.

Amiir Tamiin ayaa ballan qaaday in dowladdiisu ay ka go’an tahay xoojinta kaalmaha ay siiso dowladda Soomaaliya & xiriirka wanaagsan ee ay la leedahay Muqdisho.

Dhankiisa madaweyne Maxamed Cabdullah Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Amiirka Qatar teegaarada joogtada oo ay dowladdiisu siiso Soomaaliya

Xiriirka labada dowladood ayaa wanaagsanaa tan iyo 2017-kii, xilligaas oo uu xafiiska la wareegay madaxweynaha Soomaaliya.

Si kastaba wada-hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli haatan Soomaaliya ay isku diyaarineyso doorasho isugu jirto tan baarlamaanka & madaxweynaha.

The post Maxay ka wada-hadleen MW Farmaajo & Amiirka Qatar? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this