Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay ujeedka kulanka maanta ee golaha wasiirada Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xuukumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta kulan deg deg ah ay ku yeeshaan magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Shirka oo ah mid aan caadi aheyn ayaa waxaa guddoomin doono ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ilo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkan si gaar ah diirada lagu saarayo xaaladda Jubbaland iyo khilaafka kala dhexeeya dowladda.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in goluhu ay soo saari doonaan go’aanno ka dhan ah maamulka Axmed Madoobe, islamarkaana la xiriiro doorashada 2020/21-ka.

Kulankan ayaa ku soo aadaya, iyada oo Khamiistii la soo dhaafay uu baaqay shirkii golaha wasiirada, sababo la xariira ka tashiga go’aanada ay maanta soo saari doonaan.

Jubbaland ayaa weli khilaafka salka ku hayo arrimaha gobolka Gedo wuxuu kala dhexeeya dowladda federaalka oo ciidamada badan geysay gobolkaasi.

The post Muxuu yahay ujeedka kulanka maanta ee golaha wasiirada Soomaaliya? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this