Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal maanta ka qarxay magaalada BELEDWEYNE

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxey saakay ku waabariisatay dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo  ciidamo uu hogaaminayo Janeraal Abuukar Xuud.

Abuukar Xuud wuxuu kasoo horjeedaa dhismaha maamulka Hir-Shabelle iyo in magaalada Baladweyne uu tago madaxweynaha dhawaan loo doortay maamulkaas ee Cali Guudlaawe Xuseen.

Ciidamada uu hogaaminay Janeraal Xuud ayaa la wareegay xaafado ka tirsan magaalada Baladweyne, waxeyna arinta timid kadib markii ay ka warheleen inuu maanta magaalada ku wajahan yahay Cali Guudlaawe.

Inta la ogyahay ilaa iyo laba qofood ayey waxyeelo kasoo gaartay dagaalka, mid ka mid ahna uu yahay kooxahii dagaalamay, waxaana loo qaaday isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne.

Ciidamada uu hogaaminayo Janeraal Xuud ayaa sheegtay iney xaafado dhawr ah oo ka tirsan Baladweyne ay heystaan, isla markaana ujeedkoodu yahay iney hor istaagaan imaatinka Cali Guudlaawe ee magaalada.

Wixii warar ah ee kusoo kordha halkaan (Caasimadda Online) kala socda.

The post Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal maanta ka qarxay magaalada BELEDWEYNE first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this