Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta oo Khamiis ah ku qaabilay xafiiskiisa uu ku leeyahay Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Turkiga Mehmet Yilmaz.

Kulanka ayaa intii lagu guda-jiray waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo khuseeya xiriirka labo geesoodka iyo iskaashi wadaagga ka dhexeeya labada dal, waxaa kale oo ay isla fallanqeeyeen arrimihii ugu dambeeyay xaaladaha gobolka iyo dunida.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji iyo Agaasimaha Waaxda Asia iyo Australia, Mudane Cabdisalaam Suleymaan Cabdi (Koodaar).

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Turkiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this