Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliban Oo Heshiis La Gaadhay Dowladda Afghanistan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Afghanistan)-Wafuudda dhinacyada isku haya Afghanistan ayaa ku dhawaaqay Arbacadii inay ku heshiiyeen hannaanka wada-hadallooda nabadeed ee lagu soo afjarayo dagaalka daba dheeraday ee dalkaas ka socda.

Dowladda Mareykanka oo gadhwadeen ka ah geeddi socdka nabadeed ee Afghanistan ayaa soo dhoweysay heshiiska kaas oo horumar ballaadhan u ah wadaxaajoodyada nabadeed ee u dhexeeya kooxda Taliban iyo wakiillo ka socda dowladda Afghanistan

Howsha ayaa waxaa ku jira in la dhameystiray faahfaahinta hor dhaca ah ee wadahalka, waxii hadda ka dambeeyana loo gudbayo in laga wadahadlo ajandaha ay labada dhinac isla meel dhigeen sida lagu sheegay war qoraal ah oo sida wajadir ah usoo saareen.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa ugu hambalyeeyay kooxda Taliban iyo dowladda Afghnasitan dadaalkooda iyo ka go’naanshahooda inay helaan wax guud oo ay ku midoobaan.

Pompeo ayaa ku sharraxay bayaan uu soo saaray in heshiiska uu qeexayo hannaanka iyo shuruucda labada kooxood ay ku wadaxaajoonayaan

Waxuu intaasi ku daray in go’aannada lagu gaaray heshiiska ay hagi doonaan wadaxaajoodyada tubta siyaadadda iyo in la gaaro is faham xabad joojin ah.

Wadaxaajodka Nabadda ee Afghanistan ayaa bishii September ka billowday magaalada Doha dalka Qatar iyadoo rajo weyn laga qabay in lagu heshiiyo, laakiin khaliaafkooda ku aaddan sida loo ambaqaadayo wadahalka ayaa istaajiyay wadaxaajoodka iyadoo labada dhinac uu midba kan kale kuu eedeynayay ismari waaga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this