Sign in to follow this  
Deeq A.

Waan-waan Laga Dhex-wado Sacuudiga Iyo Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalalka Sacuudiga iyo Qatar oo saddexdii sanno ee lasoo dhaafay khilaaf  weyn u dhaxeeyey ayaa lagu wadaa inay gaadhaan heshiis horudhac ah sida laga soo xiganayo Saraakiisha Maraykanka oo dhex-dhexaadintan wada.

La-taliyaha Madaxweynaha Maraykanka Jared Kushner ayaa Arbacadii shalay kulan magaalada Doxa kula yeeshay Amiirka Qatar, Kushner oo uu sodog u yahay Donald Trump ayaa la sheegay inuu dadaal ugu jiro in heshiis la dhex dhigo Sacuudiga iyo Qatar.

Kushner ayaa horaantii toddobaadkii magaalada Riyadh kulan kula soo yeeshay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman oo la sheegay inuu soo dhaweeyey dadaalka ay wadaan wafdiga ka yimid Maraykanka.

Waan-Waantan ayaa ah mid u gaar ah Qatar iyo Sacuudiga, waxaana la sheegay in ayna qeyb ka ahayn dalalkii kale ee xulafada la ahaa Sacuudiga sida Imaaraatiga, Baxreyn iyo Masar.

Sacuudiga ayaa laga codsaday inuu qaado xayiraada dhanka cirka ah ee uu kusoo rogay Qatar, isla markaana ogolaado in duulimaadka Qatar ay isticmaalaan hawada wadanka Sacuudiga.

Boqortooya Sacuudiga ayaa todobaadkan sheegtay inay hawadeeda u fasaxday duulimaadka shirkadaha laga leeyahay Israa’iil ee tagaya waddanka Imaaraadka.

Imaaraadka ayaa la sheegay inay weli meel adag ka taagan yihiin xiisada u dhaxeysa iyaga iyo Qatar, taasi ayaa keentay in laga reebo wadahadalada hoose ee hada socda.

Jared Kushner oo Trump u qaabilsan siyaasada Barigga Dhexe oo ah maalqabeen Yahuud ah ayaa horey khilaaf dhanka maalgashiga ah kala dhaxeeyey Qatar, isaga oo ka waayey lacago ay u balanqaadeen Qoyska Boqortooyada Qatar, arrintaasi oo la rumeysan yahay inay qeyb ka ahayd cadaadiskii Sacuudiga saaray Qatar.

Sacuudiga oo dano badan uga xidhan yihiin Maraykanka ayaa si weyn ugala shaqeeya Xukuumada Trump gaar ahaan qoyska Trump danaha dhaqaale oo ay ka lahaayeen waddamada Khaliijka, arrintan oo keentay in xiisadan galaafato Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibada ee Maraykanka Rex Tillerson oo kasoo horjeeday cunaqabateynta la saaray Qatar.

Kushner oo horey u maalgelin jiray Yahuuda xagjirka ah ee dhulboobka ku heysa Falastiiiyiinta ayaa qeyb weyn ku lahaa taageeradii xooga lahayd ee Trump u fididyey Israa’iil iyo waliba heshiiska la dhex dhigay Imaaraadka, Baxreyn, Sudan & Israa’iil.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this